Participants sought for studies Ma kugu dhacay cudurka halbowlayaasha wadnaha? Ma jeclaan lahayd inaad ka qayb qaadato horumarinta taageero dijitaal ah oo dadka ka caawisa inay si wanaagsan u daryeelaan caafimaadkooda?
Haddii uu ku soo maray wadne qabad ama lagaa daweeyay xanuun xabbadka ah, waxaa muhiim ah inaad daryeesho caafimaadkaaga oo aad yeelato nolol caafimaad leh. Mashruuca HjärtVis wuxuu ku horumarinaynaa taageero dijitaal ah oo fududaynaysa nolol maalmeedka iyo isdaryeelka dadka uu ku dhacay wadne qabad ama laga daweeyay xanuun xabbadka ah.

Denna sida informerar om en intervjustudie inom projektet HjärtVis, på somaliska. Gå till studiens projektsida på svenska.
In aad daryeesho caafimaadkaaga ma aha oo keliya inaad qaadato daawooyinkaaga. Waxa kale oo muhiim ah in aad cunto cunto caafimaad leh, jimicsato, hurdo fiican hesho, oo aad hesho taageero marka aad u baahato. Mararka qaarkood way adkaan kartaa in la beddelo caadooyinka nololeed.
Daraasadda HjärtVis
Ujeedadda mashruucan HjärtVis loo sameeyey waxay tahay in lagu caawiyo dadka soo maray wadne qabad ama laga daweeyay cudurka halbowlayasha wadnaha, si ay si fiican u daryeelaan caafimaadkooda. Marka aan nidhaahno isdaryeel, waxaan uga jeednaa wax kasta oo aad adigu samayso si aad caafimaadkaaga u ilaaliso oo aad u dareento caafimad.
Adeeggan waxaa loogu talagalay inuu:
- Isticmaalkiisu fududaado
- laga isticmaali karo guriga, adigoon u baahnayn inaad isbitaalka tagto
- lagu isticmaali karo wakhtiga kugu habboon
- ku habboonaado dadka kala duwan iyo baahiyahooda
Waxaan rabnaa in aan la hadalno dad ku hadla luqado kala duwan si aan u hubinno in adeeggan uu noqdo mid waxtar leh oo ay dad badani si fudud u isticmaali karaan.
Sida ay daraasaddu u socon doonto
Waxaad muujin kartaa xiisahaaga adigoo isticmaalaya xiriirka (linkiga) kore ama nala soo xiriiraya lambarka telefoonka 070-2186321.
Haddii aad xiisahaaga ku muujiso linkiga, waxaad heli doontaa macluumaad dheeraad ah waxaanad noo qori doonta halka lagaala soo xidhiidhi karo. Kadib markaad muujiso xiisahaaga, waan ku soo wici doona si aan kuu siino macluumaad dheeraad ah oo aan uga jawaabno su’aalahaaga.
Haddii aad doorato inaad ka qaybqaadato daraasadda, waxaan kuu balamineyna wareysi (qiyaastii 45–60 daqiiqo) waqti adiga kugu habboon.
Goorta: Laga bilaabo gu’ga 2026
Goobta: Adiga ayaa dooranaya – telefoon, Zoom ama Teams, ama kulan toos ah (Stockholm)
Yaa ka qeyb geli karaa?
Waxaa ka geyb geli kara daraasaddan qofka:
- uu ku dhacay wadne-istaag ama laga dhaweeyey xanuunka xabbadka ah, in ka badan 6 bilood ka hor.
- ku hadla af-Iswiidhish, af-Soomaali ama af-Carabi.
Abaalmarin
Si aan kuugu mahadnaqno ka qaybgalkaaga, waxaad heli doontaa kaarka hadiyadda ee Gifted oo qiimihiisu yahay 300kr. Kaarka hadiyadda waxaa lagu siin doonaa marka wareysiga la dhammeeyo.
Xiriir
Wixii su’aalo ee ku saabsan HjärtVis, la xiriir:
Qofka lala xiirayo
Asha Mohamed Ibrahim
Research AssistantCilmi-baarayaasha mas’uulka ka ah
Anna Strid
Phd StudentMarie Löf
ProfessorHabaynta xogta shakhsiga ah
Dhammaan habaynta xogta shakhsiga ah ee mashruucan waxaa loo sameeyaa si waafaqsan Xeerka Guud ee Ilaalinta Xogta ee Midowga Yurub. Karolinska Institutet ayaa mas’uul ka ah xogtaada shakhsiga ah. Sarkaalka Ilaalinta Xogta waxaa lagala xiriiri karaa dataskyddsombud@ki.se. Xogta waxaa lagu falanqayn doonaa iyadoo loo eegayo heerka kooxda, si qarsoodi ah ayaa loo maareyn doonaa, waxaana lagu kaydin doonaa kayd xogeed ammaan ah oo ku yaalla Karolinska Institutet. Waxaad ka noqon kartaa ka qaybqaadashadaada wakhti kasta.
