Participants sought for studies Ma kugu dhacay sonkorowga (macaanka) xilliga uurka saddexdii sano ee la soo dhaafay?
Waxaan raadineynaa haween doonaya inay nagala caawiyaan horumarinta taageero dijitaal ah oo loogu talagalay haweenka qaba sonkorowga (macaanka) xilliga uurka.

Daraasaddan, waxaan si wadajir ah ula shaqayn doonaa haween qaba ama hore ugu dhacay sonkorowga (macaanka) xilliga uurka si aan u sii horumarinno SPARK, oo ah taageero dijitaal ah oo ka caawisa is-daryeelka, nolol caafimaad leh iyo la socodka daryeelka caafimaadka.
Hadafkeenna waa inaan abuurno SPARK 2.0, oo ah taageero si wanaagsan ugu habboon baahiyaha haweenka kala duwan, isla markaana fudud in la isticmaalo oo la helo.
Waa maxay SPARK?
SPARK waa taageero dijitaal ah oo ka kooban app loogu talagalay haweenka qaba sonkorowga (macaanka) xilliga uurka iyo bog internet oo ay isticmaalaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka. App-ka wuxuu haweenka ka caawiyaa is-daryeelka, cuntada, dhaqdhaqaaqa jirka iyo la socodka heerarka sonkorta dhiigga. Heerarka sonkorta dhiigga waxaa sidoo kale si toos ah loogu gudbin karaa Bluetooth. Shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay ka arki karaan heerarka sonkorta dhiigga boggooda internetka, waxayna kula xiriiri karaan haweeneyda iyagoo adeegsanaya adeegga wada sheekaysiga (chat).
Hadda waxaan rabnaa inaan sii horumarinno SPARK annagoo la kaashanayna haweenka qaba ama hore ugu dhacay sonkorowga (macaanka) xilliga uurka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Ujeeddadu waa in la sameeyo taageero dijitaal ah oo si wanaagsan ugu habboon baahiyaha haweenka kala duwan, tusaale ahaan dhinaca luqadda, macluumaadka, taageerada nolol caafimaad leh iyo xiriirka ay la leeyihiin daryeelka caafimaadka.
Maxay ka dhigan tahay ka qaybgalka daraasaddan?
Haddii aad ka qayb qaadato daraasadda, waxaa lagugu casuumi doonaa hal ama dhowr kulan. Kulanku waa wada sheekeysi kooxeed oo aad adiga, haween kale oo qaba ama hore ugu dhacay sonkorowga (macaanka) xilliga uurka, iyo cilmi-baarayaashu aad ku wada hadli doontaan sida loo horumarin karo loona hagaajin karo taageerada dijitaalka ah.
Kulan kasta wuxuu qaadanayaa qiyaastii laba saacadood. Waxaad ka qayb qaadan doontaa kulanka adiga iyo qiyaastii 4 ilaa 9 haween ah oo kale.
Tusaale ahaan, waxaad ka wada hadli doontaan:
- waayo-aragnimadaada ku saabsan sonkorowga (macaanka) xilliga uurka
- taageeradii aad heshay ama aad u baahnayd
- sida taageerada dijitaalka ahi uga caawin karto is-daryeelka, cuntada iyo dhaqdhaqaaqa jirka
- sida macluumaadka iyo adeegyada ku jira app-ka looga dhigi karo kuwo cad oo fudud in la isticmaalo oo lagu kalsoonaan karo
- sida taageerada dijitaalka ahi ugu habboonaan karto haween leh luqado, waayo-aragnimo iyo baahiyo kala duwan
Uma baahnid inaad wax soo diyaariso ka hor. Ma jiraan jawaabo sax ah ama khaldan. Waxaan xiisaynaynaa waayo-aragnimadaada, fikradahaaga iyo talooyinkaaga.
Yaa ka qeyb qaadan kara?
Waxaad muujin kartaa xiisahaaga ka qaybgalka haddii aad:
- aad qabtay sonkorowga (macaanka) xilliga uurka saddexdii sano ee la soo dhaafay
- aad tahay 18 sano jir ama ka weyn
- aad ku hadasho af-Soomaali, af-Swedish, af-Ingiriis ama af-Carabi
- aad rabto inaad la wadaagto waayo-aragnimadaada iyo fikradahaaga
Waa goorma iyo xaggee?
Kulamada waxaa la qaban doonaa xilliga dayrta 2026 iyo gu'ga 2027.
Kulamada waxaa lagu qaban karaa goob ahaan Östergötland, tusaale ahaan Linköping, Norrköping, Motala iyo Mjölby, ama Stockholm, ama online, iyadoo ku xiran waxa ku habboon ka qaybgalayaasha. Waxaad ka qaybqaadan kartaa si onlayn ah, xitaa haddii ka qaybgalayaasha kale ay goobta joogaan.
Ka qaybgalku waa ikhtiyaari
Ka qaybgalkaagu waa ikhtiyaari oo keliya. Waxaad mar kasta diidi kartaa inaad ka qayb qaadato ama joojin kartaa ka qaybgalkaaga adigoon bixin wax sabab ah. Tani wax saameyn ah kuma yeelan doonto daryeelka caafimaadka ee aad hesho ama xiriirkaaga mustaqbalka ee daryeelka caafimaadka.
Inaad soo dirto codsiga muujinta xiisahaaga macnaheedu ma aha inaad si toos ah u oggolaatay ka qaybgalka daraasadda. Kadib marka aad muujiso xiisahaaga, waan kula soo xiriiri doonaa si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, waxaadna heli doontaa fursad aad ku weydiiso su’aalo ka hor inta aadan go’aan ka gaarin ka qaybgalka.
Gunno
Si aan kuugu mahadnaqno ka qaybgalkaaga, waxaad heli doontaa kaar hadiyadeed oo qiimihiisu yahay 300 kr oo aad ka heleyso Gifted kulan kasta oo aad ka qayb qaadato.
Ma rabtaa inaad wax dheeraad ah ogaato ama aad muujiso xiisahaaga ka qaybgalka?
Haddii aad rabto in aad ka qayb gasho, waxaad buuxin kartaa foomka muujinta xiisahaaga adigoo isticmaalaya foomka halkan ku yaal. Kadib, waan kula soo xiriiri doonaa si aan kuu siino macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan daraasadda.
Qofka lala xirrirayo
Asha Mohamed Ibrahim
Dakhtar iyo kaaliyaha cilmi-baaristaHabaynta xogta shakhsiga ah
Dhammaan habaynta xogta shakhsiga ah ee mashruucan waxaa loo sameeyaa si waafaqsan Xeerka Guud ee Ilaalinta Xogta ee Midowga Yurub. Karolinska Institutet ayaa mas’uul ka ah xogtaada shakhsiga ah. Sarkaalka Ilaalinta Xogta waxaa lagala xiriiri karaa dataskyddsombud@ki.se. Xogta waxaa lagu falanqayn doonaa iyadoo loo eegayo heerka kooxda, si qarsoodi ah ayaa loo maareyn doonaa, waxaana lagu kaydin doonaa kayd xogeed ammaan ah oo ku yaalla Karolinska Institutet. Waxaad ka noqon kartaa ka qaybqaadashadaada wakhti kasta.